Al-Shabaab oo digniin u diray odayaashii soo xulay baarlamaanaka Soomaaliya

0
Al-Shabaab oo digniin u diray odayaashii soo xulay baarlamaanaka Soomaaliya

Muqdisho (NSH)-Ururka Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu digniin ugu diray odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ku qornaa Afafka Ingiriiska iyo Carabiga oo ka soo baxay hoggaanka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in muddo 45 cisho gudahood ay ergooyinka soo xulay baarlamaanka isaga diiwangaliyaan deegannada ay maamulaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaai si cafis loogu fidiyo.

War-saxaafadeedka Al-Shabaab oo aad u dheeraa ayaa lagu sheegay in odayaashan soo xulay baarlamaanka gaar ahaan golaha shacabka in ay ku dhaceen wax ay ku tilmaameen Gaalnimo.

Digniinta Al-Shabaab ayaa billaabanaysa 15-ka July oo maanta ku beegan waxaana ay ku egtahay bisha September ee sannadkan.

Warbaahinta ayaa ogaatay in qaar badan oo ka mid ah odayaashaas ay maalmihii la soo dhaafay tageen deegannada Al-Shabaab ay maamulaan maadama ay u cabsanayeen nafsadooda.

Qaar badan oo ka mid ah odayaasha soo xulay baarlamaanka ayaa lagu dilay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee hadda shaqeeya oo la soo xulay bishii December sannadkii 2016-kii, ayaa ka kooban 275 xildhibaan waxaana soo doortay ergo ka badan 14kun oo qof.

Xildhibaan kasta waxaa soo doortay 51 ergo oo ka soo jeeda jufadiisa kuwaasoo u codeeyay xildhibaannada.

Al-Shabaab waa markii ugu horreysay oo si shaac ah u soo bandhigaan cafis ay u fidinayaan ergooyinka soo xulay baarlamaanka.

_NOOSHEEG.COM_
Danguudtv@gmail.com