32,000 qof oo Soomaaali ah ayaa la sheegay in ay qabaan cudurka HIV Aids

0

Muqdisho (NSH)-Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 1 December oo ah maalinta loo asteeyay xanuunka dilaaga ah ee HIV Aids ayaan wali la garaneyn tirada rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed ee cudurkaasi uu hayo. Adduunka oo dhan waxa la ogyahay in firuska HIV ay la nool yihiin dad lagu Sheegay 37.9 milyan oo qof.

Maxamed Saciid oo ah xiriiriyaha dadka la nool fayruska HIV Aids, ayaa sheegay in cudurkan uu hayay 20 sanno,waxa uu sheegay in 32,kun oo qof ay qabaana cudurka.

Haddaba lambar free ah ayaa ka waci kartaa xarrunta laga heli karo dawooyinka cudurka HIV Aids waana 4200.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada ay ku nool yihiin dadka tirada yar ee la nool fayruska HIV Aids.

Halkan ka daawo warbixinta

_NOOSHEEG.COM_
Soomaalikabe@gmail.com